Magaalada Muqdosho ka dhacay Banaanbax Cabasho ah oo ay dhigayeen ehelada Cabduqaadir Baariyow oo si sharcidaro ah looga heysto Muddo 30 Sanno

Waxaa Magaalada Muqdosho ka dhacay Banaanbax Cabasho ah oo ay dhigayeen ehelada Cabduqaadir Baariyow oo si sharcidaro ah  looga heysto Muddo 30 Sanno ku dhawaad laba guri oo kala ah  Baariyow One Baariyow Two Dadka Banaanbaxayey ayaa sitey Boorar iyagoo ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid ahaayeen ” Guryaha Baariyow Waa In Ay Helaan Cadaalad” sidoo kale waxay dadkaas ku dhawaaqayeen “Waxaan maxkamadaha ugafadhinaa cadalad isla waqtigaasne laga bixiyo magdhaw intii lagu shaqeeysanaayay

Banaanbaxaan Cabashada ah ayaa ku soo beegmey xili Xeer Ilaalinta, Maxkamada Gobolka Banaadir iyo midda Racfaanka ay xireen Kiiska Dacwada Guryaha Baariyow, wuxuuna maanta kiiskaas uu horyaalaa Maxkamadda Sare, waxayna dadka Cabanayey ay ka dalbadeen Maxkamada sare in ay si Cadaalad ah u qaadaan Dacwada Guryaha Baariyow oo muddo dheer yaaley Garsoorka dalka

Banaanbaxyadaan ee looga Cabanayo Guryaha Baariyow ayaa sii socon doona, iyadoo qaarkood ka dhici doonaan Gobolada Dalka ilaa ay Cadaalad helaan Guryaha Baariyow

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here