Madaxda xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa waxa ay ugaga dhawaaqeen isbahaysi siyaasadeed oo ay labada xisbi ku mideysan yihiin.
Hoggaanka labada xisbi ayaa magacaabay guddi ka kooban 10 Xubnood, kuwaasi oo ah Guddiga Isbaheysiga Xisbiyada mucaaradka ee hoggaaminta Golaha Wakiilada iyo Golayaasha degaanka.
Labada xisbi ee (Wadani iyo Ucid)waxa ay ka heleen kuraas badan doorashada golaha deegaanka iyo golaha wakiilada oo natiijadoodu lagu dhawaaqay.
Xisbiga Waddani ayaa noqday kan ugu kuraasta badan Golaha Wakiilada Somaliland wuxuuna helay 31 kursi, halka Xisbiga Ucid oo galay kaalinta saddexaad uu helay 21. Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa helay 30 kursi.
Marka la isku geeyo, labada xisbi ayaa helay 52 kursi, ama 63% aqlabiyadda Golaha Wakiilada. Waxay sidoo kale guulo kasoo hooyeen golayaasha deegaanka.
Halkan ka aqriso magacyada guddiga ay labada xisbi ku dhawaaqeen.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com