Macalin Bashiir Cabdi oo ah macalin school ayaa si arxan darro ah Muqdisho ugu dilay xaaskiisa, isagoo dilka ka dib ka baxsaday goobta uu falkaas dilka ah ka geystay.
Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysa dilka macalin Bashiir uu ugeystay xaaskii uu qabay oo lagu magacaabi jiray Salaado Faarax Cali, waxaana la sheegay inay u haysay hal gabar.
Dilka Marxuumad Salaado ayaa ka dhacay degmada Warta Nabadda Ex- wardhiigleey, oo uu Macalin Bashiir Caan ka ahaa sidoo kalana ka ahaa Macalin School.
Wararka ku saabsan dilka Marxuunad Salaado ayaa la sheegay inuu u adeegsaday Bir madaxa iyo qeybaha sare ee jirka uu uga garaacay, kadib markii uu lugaha iyi gacmaha ka xir diray .
Dadka deegaanka ayaa dhacdadaan aad uga argagaxay, waxaana ciidamada amaanka degmada Warta nabadda ay bilaabeen baadi goobka Macalin Bashiir oo dilka ka dib ka baxsaday halkii uu falkaas dilka xaaskiisa ah ka geystay.
Damqo.
Xafiiska Muqdisho
Damqomedia@gmail.com