Wasaaradda arimaha dibadda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u furtay Hawadeeda duulimaadyada ka imaanaya iyo kuwa aadaya Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe hakad ku jiray.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya waxay sheegtay in mar kale Kenya ay dib u furtay hawadeeda duulimaadyada aadaya iyo kuwa ka imaanaya Soomaaliya.
Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa sanadihii dambe wuxuu ahaa mid marba marka kasii dambeysa sii xumaanayay , iyadoo dhowaan uu fashilmay isku day dowladda Qadar ku dooneysay inay ku xaliso muranka dabada dheeraaday ee u dhexeeya labada dowladood.
Damqo
Xafiiska Muqdisho
Damqomedia@gmail.com