Gabar oo Wadaad ka codsatay in ninkeeda loo sixro si uu u jecelaado

Gabar oo Wadaad ka codsatay in ninkeeda loo sixro si uu u jecelaado .Gabadh ayaa u timid wadaad sixiroole ahaa,waxay ku tidhi wadad waxaan rabaa inaad ninkayga i jeclaysiiso (ii sixirto) wuxuu ku yidhi waa hagaag lakin hal shardi markaad soo fuliso ayaan kuu jeclaysiinayaa,haye wadad waa maxay shardigu? wuxuu yidhi 4 xaboo timo ah ayaad libaax nool kasoo jaraysaa, kadibna waad ii keenaysaa!

Wadaad ma libaaxii dad cunka ahaa oo nool? haa buu yidhi markaad shuruudaas fuliso uun baan ku jeclaysiin karaa saygaaga.

way kasoo dhaqaaqday,waxaanay talo kulasoo laabatay dad caqliga u saxiiba arintiina usoo bandhigtay.”waxay ku yidhaahdeen libaax maalinkasta neef u qal oo dhargi isagaa kusooo dhawaan oo kula saxiibiiye,kadib kolba u yara dhawaw ilaa aad guudka u salaaxayso”

Taladii ayay qaadatay sidii ayaanay yeeshay,maalinkasta neef ayay u qashaa libaaxii kolba way usoo yara dhawataaa illaa ay guudka u salaaxday,markii uu gam’o ayay xabad tina ka jartaa markuu soo toosana way kayara daysaa,sidii ayay 4 tii xabee tinta ahayd kaga soo goosatay libaaxii noolaa.

Wadaadkii ayay kusoo noqotay iyadoo sidda 4 tii baxee timaha ahaa waanay u dhiibtay,waxayna tidhi wadaad waanigan shardigii soo fuliyaye haye haddaba ninkayga i jeclaysii”

Wadaadkii intuu aad u qoslay ayuu yidhi marwooy su’aal? ninkaagu libaaxa dadqaadkaa miyuu ka dhibadan yahay? maya wadad…haddaba ninkaaga adiga ayuun baa is jeclaysiin kara ama is nacsiin kara, wax la kasbadana qalbiga aadamaha ayaa ugu fudud, qofkana wanaag iyo xuman kaad gashato ayuun baa helaysaa ee, kasbo ninkaaga oo sidaad libaaxa dad cunkaaba u kasbatay isagana ka samayso inuu ku jeclaado.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here