Dowladda oo beenisay in dhalinyaro soomaaliyeed laga qeyb galiyay dagaalkii Ethiopia

Iyadoo maanta magaalada Muqdisho uu ka dhacay banaanbax, lagu dalbanayay in dowladda federaalka ay dib usoo celiso  dhalinyaradii tababarka ciidan loogu qaaday Eritrea  ayaa arintaas waxaa jawaab deg deg ah kasoo saartay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta  dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda xil gaarsiinta , Cismaan Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in caruur Soomaaliyeed oo Eritrea Tababar loogu qaaday ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay waqooyiga Ethiopia.

Wuxuu xaqiijiyay jiritaanka in caruur soonaaliyeed tababar ciidan loogu qaaday Eritrea , isagoo sidoo kale tilmaamay inay bad qabaan dhowaana dib loosoo celin doono, waxaana uu meesha ka saaray wararka ku saabsan in caruurtaas laga qeyb galiyay  dagaalkii TPlF ee sanadkii hore Ethiopia ka dhacay.

Wasiir Dubbe wuxuu sheegay in arinta ku saabsan dhaliyarada Eritrea loo qaaday laga qeyb galiyay dagaalkii Ethiopia , ay tahay mid ay siyaasiyiin kursi doon ah ay faafinayaan, waxbana aanay ka jirin.

Hadalka wasiir Dubbe wuxuu yimid saacado kooban kadib markii waalidiin caruurtooda waayay raq iyo ruuxooda ay banaanbax ka dhigeen isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho, iyagoo dalbaday in caruurtooda dib loogu soo celiyo.

Damqo 

Xafiiska Muqdisho

Damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here