Baarlamanka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay hor-istaag ku samaysay fulinta heshiiska DP world ee horumarinta dekedda Boosaaso.
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland, oo xalay kulan la yeeshay xubnaha ururada bulshada Rayidka ah, ayaa su’aalo laga weydiiyay sababta loo fulin waayay heshiiska DP world.
Xildhibaannada ayaa kaga jawaabay su’aalahaas, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hor-istaag ku samaysay dhaqan-gelinta heshiiska, si loo hormariyo dekedda.
Heshiiska DP world oo la saxiixay 6 April 2017, islamarkaana Baarlamanka Puntland ansixiyay 27 july 2017 ayaan weli waxba ka fulin.
12 Maarso 2018, Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis kasta oo lala galay DP World, waxaana 15 Maarso 2018 go’aankaas ku raacay Aqalka sare ee Baarlamanka.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com