Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal xalay Muqdisho siyaabo kala duwan loogu geystay wiilal dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu kala dilay degmooyinka Hodan iyo Deyniile ee gobolka Banaadir.
Wararka aan ka heleyno degmada Deyniile waxa ay sheegayaan in xaafadda Haanta Dheer lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Jabriil Cabdi Aadan, kadibna laga qaatay mobile-kii uu watay.
Dilka Jabriil waxaa la sheegay inay fuliyeen kood Burcad ah , waxaana la sheegay in ka hor inta aanay dilin ay wada marmuun Marxuunka ay dileen ee Jabriil iyo kooxdii dilkiisa fulisay .
Sababta dilka waxay dadka deegaankanku sheegen inuu kadib markii uu diiday mobile-kiisa oo ay doonayeen inay ka qaataan , wallow markii ay dileen ay ka qaateen mobile-ki kadibna goobti dilkaas uu ka dhacay ay ka baxsadeen.
Sidoo kale wararka aan ka heleyno xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan ayaa sheegaya in lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Nuuradiin kaas oo sida la sheegay uu dilkiisa fuliyay nin ku hubeysnaa Bistoolad.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in ninka dilka geystay uu ahaa askari ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka , wallow dilka ka dib uu baxsaday.
Muddooyinkii dambe waxaa xaafadaha kala duwan ee Muqdisho kusoo badanayay rag hubeysan oo xilliyada habeenki ah dadka shacabka ah dhac u geystay , iyagoo sidoo kale dila dadka isku daya inay diidaan ama isku dhajiya.
Damqo
Xafiiska Muqdisho
Damqomedia@gmail.com