Muqdusho waxa ay wehel u noqotay Maalmo Waalidiin Hooyooyin u badan qabowga iyo kuleelkuba ugu darsamay hurdo la’aan iyo harsasho la’aan ku riday maqnaashaha Caruurtooda Nolol iyo Geeri midna ay ku heyn .
Waa dareen xanuunkiisa leh ubad aad dhashay oo kaa maqan , lkn waxa ka sii xanuun badan Dowladdii mas’uuliyadda dhalinyaradaas qaaday oo Wasiir Dubbe u soo adeegsatay Waalidka si uu laabkiciyo ugu digto udiir nixid warkii iskaba daa .
Maxaa u diidaya Madaxdii Qaranka u dhaaratay oo ugu horeeyo Madaxweyne Farmaajo in ay u laab qaboojiyaan waalidiinta Xanuunka heesta .
Waa su’aalo Xanuun badan oo dareenka qalbi wehel u noqday Murugada is weydiinaya :
1. Yaa dalka iyo dadka ka mas’uul ah mar haddey madaxdu qaranku ka aamusantahay Waalidiinta Cabaneysa ?
2. Yey tahay cidda wax laga weydiinayo dhalinyarada Tababarka loo qaaday ?
3. Waalidiinta Soomaaliyeed ma aamini doonaan Tababar dambo oo caruurtooda dibadda loo qaadayo ?
4. Madaxweyne Farmaajo maxaa diidaya in uu horyimaado Shacabka kadibna u cadeeyo waalidiinta Cabaneysa ?
Waa dhibaato culeeskeeda leh oo xanuunkeeda si dhab ah u dareemi karto hooyo wiilkeedii ka maqanyahay .
Qalinku waa dareenside Xanuunka la qeybsanaya waalidka ilinta ka qubaneysa, qadarina ka waayay Madaxdii shalay caleemo qoyan u qaadayay .
Allow u laab qabooji waalidkaan dareenkoodu aan laga damqaneynin .
W/D/ Xasan Wali Guure .
Damqo.com
Xafiiska Muqdisho
Damqomedia@gmail.com