Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa soo bad baadiyeen mid kamid ah gabdhihii Soomaaliyeed ee laga afduubtay iyo Afduubihii.

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay qabteen hool aadu wanaagsan ayagoo xooga saaray sideey u heli lahaayeen shabakadaan isku xeran e gabdhaha somaaliyeed afduubtay oo macaash raadinta ah.

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa soo bad baadiyeen mid kamid ah gabdhihii Soomaaliyeed ee dhawaan laga afduubtay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Qoraal kasoo baxay Waaxda dambi baarista dalka Kenya ee DCI-da ayaa lagu xaqiijisay in ciidamada ammaanka ay soo badbaadiyeen Xafso Maxamad Luqmaan oo kamid aheyd gabdhihii dhawaan la afduubtay.

Gabadhan lasoo bad baadiyay ayaa loogu tagay guri ku yaalla aagga loo yaqaano Matopeni ee xaafadda Kayole ee ismaamulka Nairobi, gabadhan ayaana lagu hayay guri aan indhaha u rooneyn waxaana gabadha la dhax galiyay haan biyo ah sida DCI-du sheegtay.

Waaxda dambi baarista dalka Kenya qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen hal eedeesane oo ku lug lahaa afduubka gabadhan lasoo bad baadiyay kuwa kalana lagu daba joogo.

Gabadha lasoo bad baadiyay ee Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa dhawaan muuqaalkeeda oo dhaawacyo wajiga ah ka muuqdaan lagu baahiyay baraha bulshada, waxa ayna kooxda gabadhan afduubatay dalbatay lacag madax furasho ah.

 

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa soo bad baadiyeen mid kamid ah gabdhihii Soomaaliyeed ee laga afduubtay iyo Afduubihii.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here