Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Siyaasiga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo labaduba ka wadatirsan Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa ku kala qeybsamay aragtida natiijadii saacado ka hor ay soo saareen guddigii baaritaanka cabashadii Musharixiinta ee guddiyada doorashooyinka.
Siyaasiyaga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka horyimid go’aankii kasoo baxay guddigii Ra’iisul wasaare Rooble uu u xilsaaray inay baaritaan ku sameeyaan 67 xubnood ay musharixiinta Mucaaradka sheegeen inay cabasho ka yihiin .
Wuxuu sheegay in hanaanka baaritaankaas loo maray uu yahay mid aan daah furneyn , sidoo kalana aanan Musharixiinta laga talo galin maadaama ay iyaga yihiin cidda tabashada qabta
Sidoo kale Cabdikariin Xuseen Guuleen madaxweynihii hore ee Galmudug oo dhankiida arintan ka hadlay ayaa soo dhaweeyay , waxaana uu sheegay in dalku uu doorasho aaday, loona baahanyahay in la dar dargaliyo hanaanka doorashada Soomaaliya si aanu waqti kale usii lumin.
Damqo.com
Xafiiska Muqdisho
Damqomedia@gmail.com