Alshabaab iyo ciidamada Haramcad oo ku dagaalamay Muqdisho

Dagaal khasaaro kala duwan geystay ayaa ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Balcad dagmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa yimid ka gadaal markii dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad ku lahaayeen Ex-koontarool Balcad .

Ciidamada Haramcad ee la weeraray ayaa ilaalo ka hayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo dhowaan dib u dayactir uu ka bilowday .

Dagaal socday ku dhawaad 30 daqiiqo ayaa dhexmaray dagaalyahanadi alshabaabka ahaa ee weerarka kusoo qaaday barta koontarool iyo ciidamada gaarka ah ee Haramcad ee ilaalada ka hayay wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in dagaalka uu sababay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu  jira , sidoo kala ay cabsi xoogleh soo wajahday mudadii uu dagaalka socday .

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa lagu sheegay inay ka hortageen iskuday weerar oo ay soo qorsheeyeen alshabaab .

Damqo.com

Xafiiska Muqdisho

Damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here