Akhriso: wararkii ugu dambeeyay xanuunka Covid 19 ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Xil gaarsiinta ayaa faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee xanuunka Covid 19 ee Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in  saacadihii ugu dambeeyay  la diiwaan galiyay seddex xaaladood oo cusub.

Waxay sheegtay in seddexan xaaladood ee Covid 19 laga helay deegaanada Soomaaliland, waxaana ay tilmaamtay in bukaanada xanuunkan laga helay labo ka mid ah ay rag yihiin halka midka soo haray ay tahay qof dumar ah , waxaana wadarta guud ee xanuunka Corona Virus ee Soomaaliya ay ka dhigeysaa  14779 kiis

Wasiir Fowsiyo Abiikar Nuur waxay sheegtay in 24 kii saac ee ugu dambeeyay xanuunkan ay ka bogsadeen 10 qof , taas oo ka dhigeysa in xanuunkan ay ka bogsadeen 6995 qof  guud ahaan Soomaaliya.

774 qof ayaa  la xaqiijiyay guud ahaan Soomaaliya in xanuunkan ay u geeriyoodeen, waxaana wasiir Fowsiyo Abiikar Nuur Sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in shacabka soomaaliyeed ay qaataan talaalka ka hortagga cudurkan oo ay sheegtay in laga heli karo cisbitaalada Martiini iyo Banaadir.

Damqo

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here