Aamusnaanta Kheyre Dawo uma aha waalidiinta Muqdisho ku ooyaya

Wali laamiyada Muqdisho waxaa ku ooynaya waalidiinta caruurta waayay war iyo wacaalkooda wixii ka dambeeyay markii dalka Eritrea tababar ciidan loogu qaaday, waxaana ay dalbanayaan in dalka dib loogu soo celiyo.

Waalidiintan wali mahayaan jawaab ku filab oo ay ku xaqiijin karaan bad qabka caruurtooda, dowladda federaalka oo u muuqata mid iska indha tireysa eedeynta ku saabsan in caruur tababar loogu qaaday Eritrea lagu laayay dagaalkii Ethiopia ayaa beenisay .

Ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobey u qaabilsan arimaha bini aadaninada wuxuu sheegay inay hayaab cadeymo muujinaya in dhalinyaro soomaali ah dagaalka  Ethiopia ay qeyb ka ahaayeen.

Marka laga reebo dayacaadda dowladda iyo aamusnaanta Maxamed Cabdaahi Farmaajo , hadana arintan waxaa dhankiisa iska dhaga tiraya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya , wuxuu ahaa madaxa xukuumadda sedeexdi jeer ee caruurtan Eritrea loo daabulayay , mar kaliya xitaa arintan sooma aanu hadal qaadin.

Waa xog ogaal aan ka tirsaneyn xafiis yada dowladda , kuna milan musharixiinta Mucaaradka, waxaana uu wajahayaa eedeymo culus oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalkiisa siyaasadda hadii aanu run waramin.

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ay ka wada tirsanyihiin Midowga Musharixiinta, wuxuu sheegay in arinta caruurtan wax laga weydiinayo mas’uuliyiinti markii  dhalinyaradan tababarka loo qaadayay xilka hayay oo uu ula jeedo Xasan Cali Kheyre iyo kuwa hadda jooga.

Sidoo kale gudoomiyihii hore ee gobolka Taabit Cabdi ayaa Kheyre ku eedeeyay inuu arintan wax badan ka ogyahay muhiimna ay tahay in baaritaanka kiiskan , isaga laga soo bilaabo.

Wadada kaliya ee u furan Xasan Cali Kheyre ayaa ah inuu soo hor istaago waalidiinta laamiyada Muqdisho ku ilmeynaya, kana warbixiyo xog ogaalnimadiisa  arinta kiiska caruurta maqan, sababtii loo qaaday iyo hadii wax ka igaa heshiiska seddex geesoodka ah ee Eritrea, Soomaaliya iyo Ethiopia.

Damqo

Xafiiska Muqdisho 

Damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here