Guddigii uu dhawaan ra’iisul wasaare Maxamed Xuseeb Rooble uu u xilsaaray baaritaanka liiskii 67 da xubnood ka koobnaa ee ka tirsanaa guddiyadii dooradashada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed oo ay dhowaan midowga musharixiinta sheegeen inay cabasho kayihiin ayaa soo gudbiyay natiijadi baaritaankooda.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa warbaahinta u sheegay natiijada baaritaankooda, kadib markii sida uu sheegay maalmahan ay wadeen kala saaritaanta xunbihii cabashada ay kasoo gudbiyeen midowga musharixiinta .
Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya oo sidoo kale ah gudoomiyaha guddiga uu ra’iisul wasaare Rooble u xilsaaray baaritaanka xubnaha liiska guddiyada doorashada ee ay midowga musharixiinta cabashada kasoo saareen ayaa sheegay in 48 saacadood gudahood lagu soo magacaabo xubnihii badali lahaa 34 ka xubnood ee ay ka saareen liiska si tababar loogu bilaabo.
Midowga musharixiinta doorada xilka madaxweyne ee Soomaaliya ayaa dhowaan soo saaray liis ka kooban 67 xubnood oo ay ku sheegeen inay cabasho ka yihiin taas oo sababtay in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseeb Rooble uu u saaro guddi heer wasiir ah si ay usoo baaraan cabahada musharixiinta.
Musharixiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay xubnaha ay liiskooda soo saareen inay kala yihiin shaqaale dowladeed, saraakiil ka tirsab Nabad Sugidda iyo xubnaha olalaha doorashada Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sidaas darteed aanay dhex dhexaad ka noqon karin doorashada Soomaaliya.
Damqo
Xafiiska Muqdisho
Damqomedia@gmail.com