Wasiirka warfaafinta Jubbaland  Cabdi Xuseen ayaa sheegay in aysan kasoo qeyb geli doonin illaa ammaanka guud ee dalka lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha.

Khudbadii madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shalay ka horjeediyay Golaha Shacabka uu ku cadeeyay in howlaha doorashooyinka iyo amnigeeda uu ku warejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa arrintaasi durba ka hadlay dowlad goboleedka jubbaland.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland  Cabdi Xuseen ayaa sheegay in shir walba oo lagu baaqo oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka in aysan kasoo qeyb geli doonin illaa ammaanka guud ee dalka lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ra’iisul Wasaaraha uusan awood u lahayn in uu kala qaado Ciidamada isku horfadhiya magaalada muqdisho kaliyana ay tahay waxa xukuumadda xilgaarsiinta lagu wareejiyay habmaamulka doorashada iyo ammaanka goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay weli taagan tahay caqabada la xiriirta arrinta Gobolka Gedo oo dowladda Soomaaliya ay ciidamo farabadan geysay, sidoo kalena amniga magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar uusan aheyn mid la isku haleyn karo.

Xubnaha mucaaradka ayaa dhankooda soo dhaweeyay tallaabada ay  qaadeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xildhibaannada Golaha Shacabka, iyaga oo ka laabtay arrintii muddo kordhinta aheyd.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here