(Dawo)Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray ciidamada qaranku in ay ku laabtaan xeryohoodii oo aysan ku milmin siyaasadda,

Muqdisho (damqo.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu wareejiyay mas’uuliyadda  doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Shacabka uga mahadceliyay in sida ay u tixgeliyeen codsigii madaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September, ayaa sheegay in xukuumaddu soo bandhigi doonto qorshaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee Amniga Qaranka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in uu dhawaan ku casuumi doono madaxda dowlad-goboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirka Madasha Qaranka ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray ciidamada qaranku in ay ku laabtaan xeryohoodii oo aysan ku milmin siyaasadda, isagoo ugu baaqay siyaasiyiintuna in ay ka fogaadaan hadal ama ficil kasta oo aan caawineyn xasilloonida dalka iyo wadajirka shacabka

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here