(Xog) – Ciidamo cusub oo ku soo biiray isbaheesuga Jeneral Kronto & Jeneral Saadaq John oo dhaqdhaqaaq iidan laga dareemaayo magalada Xamar.( Dawo)

Magaalada Muqdisho wali waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay go’aankii uu dhawaantan Baarlamaanka Soomaaliya mudada labada sano ah ugu kordhiyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa magaalada ka jiray kulamo iska soo horjeeda oo ay lahaayeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin ku kala aragti duwan arinta, dhinaca kalana waxaa wali taaggan xiisada u dhaxeysa dowladda iyo Jeneraalka dhawaantay xilka laga eryay ee Saadaq Jon oo fariisin ka dhigtay xaafadda Shirkole ee magaalada Muqdisho.

Xalay magaalada waxaa ka dhacay kulamo la xiriira arintan oo uu ka mid ahaa kulan la sheegay in ay yeesheen hogaamiyeyaasha midowga musharaxiinta iyo madaxweynayaasha Hirshabeele iyo Galmudug.

Lama sheegin wax ka soo baxay kulanka hasse ahaatee waxaa muuqata hadda in arintu ay isku badashay in ay sameysmaan isbaheysiyo hor leh oo siyaasadeed iyo kuwa beelleed, iyadoo xildhibaannada qaar ay ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo in uu duulaan ku yahay sida ay hadalka u dhigeen beel gaar ah.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa siweyn u hadal hayay xiisada ka jirta caasimada iyo halka ay wax ku danbeyn doonaa, waxaana jira meelaha qaar dhinacyada iska soo horjeeda isku hub uruursanayaan.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here