Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa dacwad ku soo oo gay Raysalwasaaraha dalka israaiil Benyamin Netanyahu,. Maxkamadda Jerusalem ayaa billawday dhageysiga dacwaddiisa, halka shalay xeer Ilaaliyiha Soomaaliya dacwad uu isagu horay ugu soo oogay C/rashiid Janan u cafiyey, Maxkamadda Banaadirna ku raacday. Imaam Ibnu Taymiyah ayaa laga wariyey in uu yiri
“Alle dowladdii caaddil ah ayuu u gargaaraa, haddii ay doonto gaalo ha noqotee, garabna ma siiyo dowladdii dulmiga ka shaqeysa haddii ay doonto Muslim ha ahaato”
Dulmiga, caddaalad darrida iyo ku tumashada xaqa muwaadinka waxey horseeda burbur ummadeed iyo qaran jab.
Farriintaan hala gaarsiiyo kuwa culimmada sheegta ee maalin walba fatwada diiniga ah la garab taagan Farmaajo oo sidii uu doono sharciga dalka ugu tunta.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com