Waxaa maalintii labaad teendhada Xarunta tababarka Ciidamada Cirka Soomaaliyeed shir uga soconaya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirkii maalintii shalay oo sabdiga aheed dhax maray maamul Goboleedyada iyo xukuumada waqtigeeda dhamaaday e Federalka Soomaliya ayaa wax war ah laga helin.

Waxaa maalintii labaad teendha ku taalla Xarunta tababarka Ciidamada Cirka Soomaaliyeed shir uga soconaya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Shirkaan oo ay madaxda shanta dowlad goboleed , Farmaajo , Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo maamulka gobolka Banaadir kawada qeyb galayaan ayaa looga hadlayaa sidii loo xalin lahaa qilaafaadka hareeyay doorashooyinka.

Kulanka madaxda oo ay saxaafaddu dibad joog ka tahay ayaa waxa uu yahay mid gogol xaar u ah shir ay madaxda maalmaha soo aadan yeelan doonaan.

Ajendayaasha kulanka looga hadlayo ayaana waxaa qeyb ka ah sidii loo xalin lahaa qilaafka doorashooyinka, arrinta gobolka Gedo, arrinta guddiyada doorashooyinka  iyo cidda soo magacaabeysa xubnaha guddiga doorashooyinka Somaliland.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here