Dowladda Somaliya ayaa is garabtaag u muujisay Boqorka dalka Jordan, Abdalla bin Al Hussein, iyadoona taageertay tallaabooyinka uu qaaday Boqorka ee ka dhanka ah walaalkii Hamzah.
Amiir Hamzah ayaa muuqaal uu soo duubay ku dhaliilay Boqortooyada dalkaasi, isagoo dhinaca kalena sheegay in xabsi guri la geliyay.
Laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaa xabsiga u taxaabay xubno sar sare oo boqortooyada dalkaasi ka tirsan, ka dib markii lagu tuhmay inay afgembi maleygayeen. Amiir Hamzah oo isku aabe ay yihiin Boqor Cabdallaha 2aad ee dalkaasi ayaa iska fogeeyay eedeymahaasi, isagoona sheegay inaanu wax khalad ahi sameynin.
“Tani waa digniin ka timid Boqorka, Taliyaha Booliska iyo Madaxa Sirdoonka ayaa igu wargeliyay inaanan ka bixi karin guriga, keliya inaan booqan karo qoyskeyga, inaanan Twitter-ka wax ku soo qori karin iyo inaanan cidina la xiriiri karin. Intaasi ka dib tiro dad aan aqaano iyo dhammaan saaxiibadey ayaa la xiray, ilaaladii waala iga qaaday, Internet-kii iyo teleefankiina waala iga jaray, tani waa xiriirkeyga ugu dambeeya.” Ayuu yiri Amiir Hamzah.
War qoraal oo saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliya ayaa lagu yiri “Iyadoo la eegaayo xiriirka qotada dheer, xiriirka dhow iyo danaha guud ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo Boqortooyada Jordan, Somaliya waxay cadeyneysaa inay si weyn u taageersan tahay, isla-markaana ay si adag u taageereyso dhammaan tallaabooyinka iyo go’aamada uu qaatay Boqor Abdalla bin Al Hussein, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida Boqortooyada.”
“Waxaan u rajeyneynaa horumar iyo barwaaqo dheeraad ah, si loo gaaro himilooyinka shacabka reer Urdun, ee uu hoggaminayo Boqor Cabdllaha II iyo Amiirka leh Dhaxalsugaha Al Hussein bin Abdullah, Ilaah haka dhowro Boqorka iyo Boqortooyada sharka iyo xumaanta oo dhan.”
Wadamada Sacuudiga, Masar iyo Mareykanka ayaa taageero u muujiyay Boqorka dalkaasi. Mareykanka ayaa Boqor Cabdalla ku tilmaamay saaxiib muhiim ah.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com