Shirkii u ku danbeeyay ay lahaayeen labada madaxwayne ee Hirshabelle, Galmudig iyo Midawga Musharixiinta, kaas oo looga arrinsanayay arimaha cakiran.

Shirkii u ku danbeeyay ay lahaayeen labada madaxwayne ee Hirshabelle, Galmudig iyo Midawga Musharixiinta, kaas oo looga arrinsanayay laba qodob oo kala ahaa:

1- kulan uu Madaxwayne Farmaajo ka dalbaday Midawga Musharixiinta.

2- Cadaynta mawqifka labada Madaxwayne ee Qoor qoor iyo Guudlaawe ee la xiriirta muddo kordhintii baarlamaanka.

Midawga musharixiinta oo ay matalayeen Xassan Shiikh, Shiikh Shariif, Cosoble, Xassan Cali Khayre iyo C/raaan C/shakuur ayaa ka horyimid casuumadda Madaxwayne Farmaaj, iyaga oo si cad u diiday la kulanka Madaxwayne Farmaajo.

Labada Madaxwayne ee Hirshabelle iyo Qoor qoor ayaa dalbaday in la siiyo hal jaanis oo ay kula kulmaan Madaxwayne Farmaajo, si ay ugu sheegaan in laga diiday casuumaadii uu u fidiyay Midawga Musharixiinta.

Sida aan ka soo xigtay ilo aad ugu dhaw musharixiinta waxaa ay intaas iigu dareen in shirka caawa uu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee dhexmara Madaxwaynayaasha iyo Midawga Musharixiinta, waxaana ay u balanqaadern musharixiinta in kulanka madaxwayne Farmaajo kadib ay mawqifkooda kama danbaysta ah siinayaan.

Intii uu shirku socday waxaa ka carooday oo shirka isaga baxay C/raxmaan C/shakuur, balse wadahadal kadib waa uu kulaabtay shirka, kadibna fasax ayuu qaatay, sidaas waxaa uu sheegay goobjoogayaal kulanka joogay.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here