Safarka farmaajo oo Villa Somaliya ku sheegtay laba maalin ayaa ku soo idlaaday 1 maalin,

Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay soo gabagabeeyay socdaalkiisii dalka Congo, isagoo saaka aroortii xilli aan la fileyn si guuro ku galay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay saaka aroortii, kaddib markii uu booqasho gaaban ku tegey dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo Mudane Felix Tshisekedi ahna Madaxweynaha Midowga Afrika.

labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, ayadoo madaxweyne Farmaajo ka mahadceliyey dadaalada ay Soomaaliya ka wadaan Midowga Afrika oo uu hadda Madaxweyne ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo.

Safarka farmaajo oo Villa Somaliya ku sheegtay laba maalin ayaa ku soo idlaaday 1 maalin, taasi oo la daremi karo Culeeska siyaasadeed ee heesta farmaajo, Waxa uuna soo gaaray salaadii subax saaky a garoonka Muqdisho, waxaana  kusoo dhoweeyay saraakil kooban.

Socdaalka Maxamed Farmaajo ee magaalada Kinshasa oo ahaa mid lama filaan ah ayaa dood badan ka dhaliyey baraha bulshada, kadib marki warar kala duwan ay soo kala saareen Madaxtooyada Congo, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Farmaajo.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here