Ra’iisul wasaaraha dalka Britain ayaan ka qeyb gali doonin aaska Amiir Philip oo jimcihii geeriyooday.
“Si inta suurtagalka ah ay xubno badan oo qoyska ka mid ah uga qeyb galaan xilli ay jiraan xannibaadaha caabuqa Corona, maka qeyb gali doono aaska Amiir Philip.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska raii’sul wasaaraha.
Aaska amiirka ayaa lagu wadaa in uu dhaco sabtida soo socota.
30 qof oo kali ah ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan aaska loo sameynayo Amiir Philip oo jimcihii geeriyooday.
Dadka ka qeyb galaya ayaa waxaa ay isugu jiraan caruurtiisa, caruurta uu awowga u yahay iyo xubnaha kale ee qoyskiisa.
Dad waynaha dalka Britain ayaa laga codsaday in aysan ka qeyb galin aaska amiirka.
Amiir Philip ayaa waxay da’diisu ahayd markii uu dhimanayay 99 sano.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com