Oday Cabdulle oo ahaa Xeelad yaqaan ayaa yiri:
Hadda ka hor ayaa waxaa hal Qol oo ciriiri ah ku wada Noolaa Haweeney iyo 10 Caruur ah oo Nin hore ey u dhashay, iyo Cumar Buurane oo mar dambe ey guursatay.
waxaa la dhibsaday Oday Cumar oo rabo in uu Qolka Barkii uu kaligii seexdo, Duqdana aan laga xigsan. waxaa oday Cumar loo soo jeediyay in uu daashka banaankaa seexdo ama uu seexdo qeyb yar oo qolka dhaxdiisa ah ilinkana u dhaw.
Oday Cumar ayaa ku fikiray in uu Qooyska hilmaansiiyo, dhibaatada uu ku hayo iyo Xuquuqdooda uu rabo in uu duudsiyo.
Subixii ayuu Sac soo iibiyay Qolkii ayuuna ku dhax xiray. Markii ciriirigii batay ayaa lagu heshiiyay in dibadda loo bixiyo Saca, Cumar halkiisii uu jiifto. Waa xeeladii markii horeba uu rabaye.
Hadda Labada Sanno ee kororsiimada ahi, in eynan soconeeyn waa la ogaa, Dantu waxa ey aheyd in Dadka la himaansiiyo Dambigii laga galay, Xuquuqdoodana la duudsiyay.
Run miyaa? Ma ogi.
Qore: Yahya Amir
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com