Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax is miidaamin ah uu goor dhow ka dhacay Maqaayad ku taal bartamaha magaalad Baydhabo.

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax is miidaamin ah uu goor dhow ka dhacay Maqaayad ku taal bartamaha magaalad Baydhabo.

Qaraxan oo ka dhashay qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa ayaa waxaa ku dhintey 3 ruux halka ay toban kalana ku dhaawacmeen.

Qaraxan oo ka dhacay maqaayada Suweys oo la sheegay inuu ku sugnaa guddoomiyaha gobolka bay Cali Wardheere Dooyow,balse uu ka badbaaday qaraxan.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in

dadka ku dhintey qaraxa ay ka mid ahaayeen ilaaladii guddoomiyaha gobolka Bay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed ayaa tegay Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo xiray wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa, iyada oo dadkii ku dhaawacmay qaraxa la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo.

 

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here