Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) ayaa goor dhow iska xaadiriyey Teendhada Afisyoone

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow iska xaadiriyey Teendhada Afisyoone oo uu maanta ka dhacayo kulan horudhac u ah shirka wada-tashiga qaran ee doorashooyinka.

Waxaa goordhaw teendhada Afisiyooni ee kutaala xeendaabka garoonka diyaaradaha Adan Cadde ka furmay shir u dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira.

Waxaa sidoo kale goobta gaaray ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeyb galaya shanta maamul goboleed ee dalka ka jira iyo maamul gobolka Banaadir

Shirkan goordhaw furmay oo warbaahinta banaanka ka joogaan ayaa la filayaa in looga arinsado loogana

heshiiyo ajandaha shirweyne looga hadlayo arimaha doorashada ay isugu imaanmayaan Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo horey u diidanaa ka qeybgalka shirka ayaa saakay qeyb ka ah shirkan goordhaw furmay, waxaana dhinacyada shiraya kawada hadlayaan islana meel dhigayaan ajandayaasha shirka doorashada looga hadlayo.

Beesha caalamka ayaana gacan ka geesatay qabsoomida shirkan horu dhaca ah ay saakay isugu yimaadeen madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, waxaana la sheegay in beesha caalamka kaalin muuqata ku leedahay shirkan iyo socodsiintiisa.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here