Maareynta Maaliyadda & Miisaaniyadda Soomaaliya.Heyad Caalamiya ayaa iga codsatay in aan 6 Cisho siiyo Casharo la xiriiro Maareynta & Miisaaniyadda xubno ka kala socdo Gudiyada Maaliyadda ee Baarlamaanadda Maamul gobaleedyada iyo Golaha Shacabka. Gunaanadkii ayaan Dood furan ku qabanay Televisionka Qaranka SNTV. Dooda oo qaadatay in kabadan 2 Saac ayaan halkaan ku soo koobay dhowr daqiiqo, Si loo daawado.
Arrimaha wax la iska weydiiyay ayaa waxaa ka mid ah:
- Aqoonta Gudiyada ee Maaliyadda.
- Habka loo diyaariyo Miisaaniyadda Farsamo ahaan.
- Sababta Xildhibaanadu u diideen in ey dhisaan Gudiga madaxa banaan ee Gardoon .
- Hanti dhowr hoos tagayo Ciddii uu baari lahaa ma shaqeey karaa.
- Haddii Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyaddu u heshiiyaan sideey noqonee Awoodda Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanku.
- Sababta Madaxweynuhu uuna weli u saxiixin Sharciga Hanti dhowrka oo ey soo Ansixiyeen Labada Aqal.
- Maxaa loo baabiyay Gudigii hore ee Maaliadda ee Golaha Shacabka ee wax soo baaray.
- Xildhibaanadu marka la wareeysanayo, ma waxey u jawaabaan sida iyada oo ey hor fadhiyaan Madaxweyne iyo Af hayeen Baarlamaan, mise iyada oo ey dhageeysanayaan Dadkii ey wakiilka ka ahaayeen.
- Sideey Xildhibaanadda Heer Qaran iyo Heer Maamul Gobal uga faa’iideen Casharadii ey qaateen 6daa Cisho.
- Ma loo baahan yahay Cashardaan in hore loo sii wado laguna qabto Gobalada, intii sidaan oo kale Gobalada Diyaarad looga soo qaadilahaa ka qeyb galayaasha.
FG: Wixii ka dhiman ku dar, wixii ka khaldan ka sax. Daawasho wacan. Si aad u daawato Qeybta hoose Riix.
https://www.facebook.com/yahyaamir966/videos/5398784243496598
Qore: Yahya Amir
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com