Labo Qaxooti oo ka soo jeeda Qowmiyadda Tigrayga ayaa lagu dilay meel u dhow Xuduudka ay Sudan la wadaagto Ethiopia.
Goobjoogayaal la hadlay Wargeys ka soo baxa dalka Sudan waxay sheegeen inay Ciidanka Eritrea ay Deegaanka Dima ku dileen 2 Qaxooti, halka ay 2 kalena dhaawacmeen, iyadoo ugu yaraan 76 kalena ka baxsadeen Toogashadaasi.
Qaxootiga badbaaday waxay kuwii dhaawacmay u daabuleen gudaha dalka Sudan, si loogu daaweeyo, halka Qaxootigii geeriyooday lagu aasay gudaha Sudan.
Qaxootigaasi oo ka mid ahaa Qaxootiga Ethiopianka ee ku jira Xarunta Soo-dhaweynta Qaxootiga ee Xamdayet ee Bariga dalka Sudan waxay dhammaantooda doonayeen inay dib ugu laabtaan Deegaanadooda oo ku yaalla Degmadda Xumeyra ee Gobolka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia.
Qaxooti badan oo horey uga soo qaxay Colaadaha ka socda Gobolka Tigrayga ayaa waxay bilaabeen inay isaga soo baxaan Xerooyinka buux-dhaafay ee ku yaalla Bariga dalka Sudan.
Sida laga soo xigtay Guddiga Qaxootiga dalka Sudan ee (The Sudan Commission for Refugees (COR), Ilaa 30,048 Qaxooti Tigray ah ayaa ku nool Xeryaha Qaxootiga ee Xamdayet iyo Madiina oo ku yaalla Gobolka Gadaref ee dalka Sudan una dhow xuduudka Ethiopia.
Dib u laabashada Qaxootigaas ee Gobolka Tigrayga waxay ku soo beegantay, kaddib, markii uu RW Ethiopia, Abiy Ahmed Ali dhawaan sheegay in Ciidanka Eritrea laga daad-gureyn doono Gobolka Tigrayga, kuwaasi oo uu markii ugu horreysay qiray inay ku lug lahaayeen dagaalka ay Dowladda Ethiopia kula jirto Dagaalamayaasha Kooxda TPLF.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com