Laba kamid ah shirkadaha maraakiibta ee dunida ugu weyn ayaa sheegay inay ka baaraandagayaan qaabkii ay uga wareegan lahaayeen marinka Suez,

Laba kamid ah shirkadaha maraakiibta ee dunida ugu weyn ayaa sheegay inay ka baaraandagayaan qaabkii ay uga wareegan lahaayeen marinka Suez, kadib markii ay guuldaraysteen dedaallo lagu jiidayay markab xiray kanaalkaas muhiimka ah.

Shirkadaha Maersk iyo Hapag-Lloyd ayaa qorsheynaya inay maraakiibtooda u weeciyaan dhanka marinka Cape of Good Hope ee cirifka koonfureed ee qaaradda Afrika, kaas oo kumannaan kilo mitir ka fog Suez, isla markaana ay todobaadyo ku gaari karaan maraakiibta ka gooshta.

Injineero ku hawlan inay markabka ka jiidaan meesha ayaa ku guuldaraystay dedaalladii ay wadeen.

Milkiilaha markabka Ever Given ee ku cadilmay marinka Suez, Shoei Kisen Kaisha ayaa raali-gelin ka bixiyay xaaladda taagan, waxaana uu sheegay inay ku dedaalayaan sidii loo furi lahaa marinka xirmay.

Marinka Suez oo weli u xidhan Markab ku cadilmay

Maraykanka oo Bariga Dhexe u diraya Habka difaaca gantaalaha ee Patriot

Dagaalka Carabta iyo Israa’iil: Sababta Mareykanku heeganka u geliyay nukliyeerkiisa

Shilka markabka

Ever Given oo ka soo shiraacday dekad ku taal Shiinaha kuna sii jeeday Rotterdam, Netherlands, ayaa ku cadilmay qoorriga Suez isaga oo doonayey inuu galo badda Mediterranean.

Markabkan oo ka diiwaangashan Panama, isla markaana sida xamuul dhan 200,000 tan, ayaa Salaasadii fadhiistay meel muhiim u ah marinka Suez, waxaana hakaday isu socodka marinkaas xajmiga Ever Given awgii.

Markabka Ever Green

Xukuumadda Masar ayaa dib u hawgelisay marin qadiimi ah oo ku yaal Suez si ah u kala yareyso saxmadda maraakiibta.

Shilkan ka dhacay Suez-ka ayaa saameeyn muuqata ku yeeshay suuqyada shidaalka caalamka oo durbadiiba sare u kacay boqolkiiba 6.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in maraakiib ka badan 30 ay u xanniban yihiin markabka jaray marinka Suez.

Sideed doonyood oo ah nooca jiida maraakiibta ayaa ku hawlan sidii ay Ever Given uga dhaqaajin lahaayeen halka uu ku xanibmay.

Khubarada ayaa ka digaya in hawshaas ay qaadan karto dhowr maalmood.

Ku dhawaad boqolkiiba 12 badeecadaha ganacsiga caalamka ayaa mara marinka Suez, oo isku xidha Mediterranean-ka iyo Badda Cas, ahna halka ugu dhaw ee ay uga kala gooshi karaan maraakiibta u kala socota Aasiya iyo Yurub.

Dedaallo lagu dhaqaajinayo markabka ayaa guuldareystay.

Dr Sal Mercogliano, oo ah taariikhyahan ku xeel dheer arimaha baddaha ayaa sheegay in dhacdooyinka noocan ah ay nadir yihiin, balse saameyn xooggan ku yeelan karaan ganacsiga adduunka.

Ku dhawaad 19,000 oo markab ayaa sanadkii 2020 ka gudbay qoorriga Suez, taasoo ka dhigan in celcelis ahaan maalintii ay maraan 51 markab.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here