Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad ku guuleysatay doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib markii uu helay 98.41% codadkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii shalay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadan isagoo sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu helay 98.41% halka musharaxii la tartmayay Zakariye Ismaaciil Faarax uu ka helay 1.59%.
Zakariye oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii Janaayo ee sanadkan.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com