Sagaashameeyadii ayaa hooyo Somaliyeed iyo shan caruur ah loo qaaday waddan ku yaala Yurub. Waa la dejiyay ilmihiina school ayaa la geeyay. Maalin maalmaha ka mid ah ayey macallimad aragtay wax gacanta uga yaala mid ka mid ah ardeydii soomaalida ahaa. Markey wediisay waxa gacanta uga dhacay ayuu cunugii ku yiri macallimaddii hooyadey ayaa iga qaniintay.
Macallimaddii ayadoo argagaxsan ayey cunugii ula carartay maamulihii skoolka. Kaddibna waxaa loo bandhigay arrinkii guddigii skoolka. Waxaa kaloo la keenay ilmihii kale ee la dhashay cunugga wexeyna dhamaantood qireen iney hooyadood qaniinto haddey wax halleeyaan.
Skoolkii wuxuu war geliyay booliskii oo arrinkii u sii gudbiyay maxkamadda.
Gardoorihii markuu arrintii aad u dhuuxay ayaa waxaa u soo baxday inuu dhaqankaan yahay mid ay hooyooyinka soomaalida yaqaanaan, wuxuuna go’aansaday iney wax ka qabashada arrintaan casharna u noqoto hooyooyinka soomaalida oo idil, wuxuuna amray in hooyada laga saaro dhoolasha loona reebo miciyaha iyo gowsaha.
Habartii ayaa gurigeeda ku soo laabatay ayadoo at daloosha.
Muddo kaddib ayey isla macalimaddii aragtay cunuggii oo uu dhaawac kale ka muuqdo, markey weydiisay waxa ku dhacayna wuxuu ku yiri hooyaa i qaniintay.
Macalimaddii oo u heysata inuu ardeyga Markaan been sheegayo ayaa u keentay maamulihii skoolka. Maamulihii ayaa ku yiri hooyadaa ilko mey soo gashatay? Ardeygii wuxuu qiray ineysan ilko soo gashan laakin ay ku qaniinto miciyaha. Skoolkii oo yaaban ayaa mar kale u gudbiyay arrintii maxkamadda.
Garsoorihii oo is leh maadaama hooyadaa laga saaray ilkihii ma wexey bilowday iney wax ku dhufato ilmaha ayaa loo sheegay ineysan qaniinyadii joojin oo Ilmaha ku qaniinto miciyaha.
Garsoorihii ayaa amar ku bixiyay in hooyada miciyahana laga saaro, wuxuuna ku yiri haddaad bilowdo inaad Ilmaha gowsaha ku qaniinto ogow ayagana Waan kaa saaraa.
Hooyadii waxey ku dadaashay iney badbaadsato gowsaheeda, ilmihiina wexey ka reysteen qaniinyadii.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com