Gudoomiyihii dhinaca Amniga iyo Siyaasadda degmada Dayniile ee gobalka Banaadir Cabdi Maxamed Maxamuud ayaa Goordhowku geeriyooday Qarax ka dhacay Degmadaasi.
Sida ka muuqata gaariga gudoomiyaha waxaa aad u waxyeeleeyay Qaraxa halkaasi oo la sheegay inuu aad u xoog badnaa
Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha Siyaasadda ee degmada Deyniile Cabdi Maxamed Maxamuud oo loo yiqiin Fidicow ayaa goor dhow lagu diley qarax miino oo lala eegtay gaarigiisa.
Wararka waxa ay sheegayan in sidoo kale qaraxan ay waxyeelo ka soo gaartay qaar kamid ah ilaalada la socotay guddoomiye ku xigeenka.
Qaraxan ayaa goor dhow ka dhacay wadada Xaafada Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho.
Dhowaan ayaa waxaa magaalada Muqdisho lagu diley guddoomiyihii degmada Xamar Jajab halka uu sidoo kale ka badbaaday qarax miino xoghayaha degmada Deyniile.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com