Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay wareegtada Saldhigga Booliska Garoonka diyaaradaha lagu hoos geeyay Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir.
Wareegtada oo ku taariikheysan 18 bishii hore ee Maarso ayaa maanta la shaaciyay, kaddib markii Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muddo arrintan ka dhega adeegayay lagu qasbay.
Saldhigga Booliska Garoonka diyaaradaha ayaa ahaa mid madax bannaan, waxaana in xilligan la hoos geeyo Taliska qeybta Guud ee uu xukumo Jen. Saadaq Joon loo arkaa mid lagu soo beegay xilli xasaasi ah oo xaalad cakiran ka taagan tahay doorashada.
Siyaasiyiinta qaar ayaa arrintan ku tilmaamay mid siyaasadeed oo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu doonayo in dano siyaasadeed ku fushado, iyadoo dalka doorasho u socdo.
Garoonka diyaaradaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, iyadoo ay xerada xalane degan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, sidoo kalena Xarunta Afisyooni uu ka furmay shir u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada.
Wareejinta ayaa dhacday kahor inta aanu furmin shirka Afisyoone ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayada oo la rumeysan yahay in qorshahan looga dan lahaa laba qorshe oo mid uu yahay in lagu cadaadiyo musharaxiinta madaxweyne ee ka dhoofa garoonka iyo shirka Afisyoone ee ay ku sugan yihiin madaxda Jubaland iyo Puntland.
“Si loo dardargeliyo hawlaha ciidanka booliska la isuguna dubbarido hawlgallada qeybtfga guud ee booliska G/Banaair, labada fadhi e kala ah saldhigga boolisak G/dayuuradaha iyo fadhiga Bar-koontoroollada guur-guura (MVCP) waxaana si toos ah loo hoos-geeyay Taliska Qeybta Guud ee Booliska G/Banaadir, laga bilaabo maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 18/03/2021” ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalkaas oo mar si xan ah warbaahinta u faafisay ayaa hadda la shaaciyay, waxaana lagu soo beegay iyadoo shir uga furmay magaalada Muqdisho madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo uu wehliyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Muddo la isku mari waayay shirar kala duwan, maanta waxey madaxda wada fadhiyaan teendhada Afisyooni iyadoo laga tashanayo ajandaha shirka heshiiska doorashada kaas oo ay beesha caalamka isku aadineyso.
Mucaaradka waxey u arkaan arin lagu carqaladeynayo shirka ka furmay Afisyooni, sidoo kalana waxey u arkaan wax aan waafaqsaneyn shuruucda dalka.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com