Dowlada Federalka Soomaaliya waxaa soo food saartay dhaqaalo xumo baahsan, taasoo ka dhalatay makeey ku soorogeen cuno qabateen beesha caalamka.
Saas daraadeed Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug, oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa saaka la wareegay dhammaan kantaroollada laga soo galo koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Saraakiil ka tirsan Daraawiishta Galmudug, ayaa laga soo xigtay in ciidankan ay ka cabanayaan mushahar ka maqan mudda saddex bilood ah.
Ciidankan oo ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, ayaa isbaarooyin dhigtay saddexda Kantarool ee laga soo galo koonfurta Gaalkacyo, sida ay sheegeen Goob-joogayaal.
Sidoo kale Ciidanka ayaa xannibay isu-socodka gaadiidka soo galaya iyo kan ka baxaya koonfurta Gaalkacyo, waxaana haatan socda dadaal lagu xallinayo tabashadooda.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com