Damaca Cusub ee Ilmo gareen iyo Aabahood, Qoowsaaradu yeeyna kuu qarin Midida laguugu qali doono.

Diidnay Damaca Cusub ee Ilmo gareen iyo Aabahood, Qoowsaaradu yeeyna kuu qarin Midida laguugu qali doono.

Nuxurka Mushkiladu ma aheyn Muddo kororsi, intii aan lagu dhawaaqin Muddo kororsiga ka hor ayeey arrintu murugeysneed, Dhibaatada ugu weyn ee Dalka ka jirtay waxa ey aheyd ilimo gareen iyo Aabahood oo joogo dalku dagimaayo. Somalidu waxa ey tiraa “Saxaro Qoray dheer ayaa la isaga tiraa”. yaan lagu marmarsiyoon muddo kororsi waa laga noqday, iyo 17 Sept 2020 ayaa xal ah. Xalka kaliyihi waa in ilma gareen iyo Aabahood Dalka laga qabto si Awoowayaashood Abi iyo Afwarge Dalku uga Badbaado. yaan Somalida loo dhiibin “Umbo Abeeso ku jirto” oo ey wadaan, Qoor qoor iyo Guud laawe, Rooble iyo Raxan kalena ey luuqa ka fiirsanayaan. Dambiilayaal qaran iyo kii soo diray yeena ku dagin.

Kadib markii ey Quus ka gaartay fidnadii ey ka wadeen Dalka , Markii ey la kufeen Masuuliyadii ey u hayeen Dadkii ey wakiilka u ahaayeen, Markii ey ogaadeen in ey dhumiyaan Xilkii ey u hayeen Dadkii labada maamul gobaleed, ayeey Xeelad cusub isticmaaleen Madaxweynayaashii Hore ee Galmudug iyo Hirshabeele . Qoor qoor iyo Guud laawe si ey u sii noolaadaan, iyaga oo weli ah khaadumiin aan Door ku leheeyn siyaasadda Dalka.

wixii lagu Xaliyay Dagaalkii 1aad ee Aduunka Laguma xalin karin Dagaalkii 2aad ee Aduunka.

Heshiiskii 17 Sept 2020 arrintu waa soo dhaaftay, wakhti ayuu ahaa Xal, laakin Hadda waxa uu noqonayaa mushkilad cusub haddii la yiraa 17 Sept 2020 ,Xal ha laga dhax raadiyo. Hadda waxaa jiro Rag cusub oo Go’aanka wax ku leh, Xaaladii hore waa isbedeshay, Hadda Dalka kama jirto Dowlad Buuxdo, Madaxweyne Xil hayo, Barlamaan, Daawa dhacday yaan Dalka lagu Durin.

Dadka yaan lagu khiyaamin, waan ka noqonay Muddo kororsigii oo Been ah, waxa la isku heysatay ee muhimka ahi ma ahan 2 sanno, Hadda waxa ey joogtaa, Guud ahaan ilma Gareen iyo Aabahood ha na dhaafeen. wixii taa ka duwan waa Kuwo aad ogtahay in eyna qowl leheeyn,iyo kuwa Masuuliyadoodii Damac yar ka doortay oo aan Sharaf rabin, muddo yar kadibna is bedeli doono sida caadadoodu aheyd.

Gunaanad.

Somalidu waxa ey ku maah maahdaa ( Nin Aniga yiri, Dad iska sooc). Go’aanka Beenta ah ee Ilma gareen loo soo dhiibay si loo badbaadiyo Qorshihii hore ee Abii iyo Afwarge, Dadkana lagu maaweelinayo in laga noqday Laba sanno oo Markii horeba aan jirin.

((( Go’aankaa Been ku baxsadka ah, Annigu waan ka soo hor jeedaa))).

Go’aanka Beenta ee ah iyo Xeeladda cusub ee lagu kala furfurayo Dadweynaha Dulmiga diidan, kaa oo ah Qoraalka loo soo dhiibay ee la yiri Qasab ku akhriyay Qoor qoor iyo Guudlawe, Rooblena lagu yiri: waryaa adiguna ku raac, si aan uga dhigano fursad aan Mar kale ku shirqoolno shacabka.

FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here