Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah golaha Midowga Mudharaxiinta ayaa sheegay in aysan xiiso u qabin la kulanka Farmaajo uu sheegay Hogaamiye Kooxeed.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu codsaday in uu la kulmo golaha Midowga Musharaxiinta siyaasadaan cakiran.

Midooga Musharaxiinta oo fikirka ka mideeysan ayaa si cad uga hor yimid dalabka Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan in uu la kulmo, waxa ayna musharaxiinta sheegeen in aysan micno ku fadhin ama soo kordhineen in xiligan lala kulmo Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah golaha Midowga Mudharaxiinta ayaa sheegay in aysan xiiso u qabin la kulanka Farmaajo uu sheegay in uu isku bedelay Hogaamiye Kooxeed.

”Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, ka dibna hoggaamiye kooxeed noqday. Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa.” ayuu yiri Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalka kasoo yeeray Musharaxan ayaaa imaanaya xili Madaxda maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ka shaqeenayeen in ay kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here