Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamayaa in uu soo iibsaday gaadiid gaaraya ilaa 8 gaari oo kuwa dagaalka ah, iyadoo ay hore ugu yiileen gaadiid dagaal oo kale.
Sidoo kale xogta ayaa tilmaameysa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu soo iibsaday hub u badan BKM, Sabanka, iyo qoryaha dhashiikaha ah ee gaadiidka la saaro iyo hubka fudud.
Arrimahaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay magaalada Muqdisho gashay xaalad amni oo hubinti la’aan ah, taas oo ka dhalatay muranka doorashada Soomaaliya, lagana cabsi qabo in dowladda ay weerarto mucaaradka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah Murashaxiinta mucaaradka ah kuwa ugu cad cad, ayaa sidoo kale waxa uu ugu horreeyaa siyaasiinta Hawiye ee diidan muddo korarsiga sharci-darrada ah ee madaxweyne Farmaajo.
Wali magaalada Muqdisho waxaa ka jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, iyadoo aysan jirin wax dedaal ah oo socda islamarkaana lagu raadinayo xalka doorashada Soomaaliya.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com