Beesha oo ka soo jeedo Guddoomiyihii degmada Hodon ee la dilay oo Dowlada ku eedaysay inay ka seexatay in Cadaalada la hor keeno Danbiilayaashii

Dlkii Guddoomiyihii degmada Hodon Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) Ku dhawaad 90 maalin ama sadax bil ka dib dilkii loogu geestay inta u dhaxaysa Degmooyinka warta Nabada iyo H/wadaag  Gudoomiyihii Degmada Hodan ayaa Waxaa arintaasd mar kale qeylo dhaan ka muujiyay Beesha uu kasoo jeedo Guddoomiyihii degmada Hodon Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo bishii Janaayo lagu dilay magaalada Muqdisho

Shir ka dhacay magaalada Muqdisho ayay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha Ceyr ee Habargidir ku caddeeyeen in muddo saddex bilood ah kadib dilkii guddoomiyihii degmada Hodon aanu wax cadaalad ah helin, dadkii loo qabtayna qaarkood la sii daayey.

Odayaasha ayaa sheegay in ay la kulmen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo ay dalbadeen cadaalad, laakiin aan kiiskan waxba laga qaban, iyadoo mas’uuulka la dilay aanay cid kale dilin ee laba taliye saldhig boolis iyo ciidamo ay wateen dilkiisa ka dambeeyeen.

Sidoo kale Hay’adaha amniga ayaa dilka guddoomiye Cabdixakiin u xiray taliyeyasha saldhigyada booliiska degmooyinka Howlwadaag, Gaashaanle Shucayb Cabdi Maxamuud iyo Waaberi, Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin, waxaa kaloo loo xiray 7 askari oo ku sugnaa bartii lagu dilay guddoomiyaha.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here