Baaqii Beesha Caalamka maalin ka hor ka soo baxay ayaa ahaa in dhinacyada ay dib ugu laabtaan Teendhada, isla markaana aanay aqbali doonin doorasho is barbar socda

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda dadaallo xoogan oo ay wadaan dhinacyo kala duwan, kuwaas oo la doonayo in la’isugu soo dhoweeyey madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Beesha Caalamka ayaa bilowday dadaalo ku aadan sidii la isugu keeni lahaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si ay dib ugu laabtaan gogosha Teendhada Afisyooni, si loo ambaqaado wada hadaladii heshiiska doorashada.

Dadaalada ayaa waxaa hormuud ka ah Wakiilka Qaramada Midoobey, Wakiilka Midowga Yurub, Safiirada Mareykanka iyo UK oo dhammaan labada dhinac ee is hayay kulamo la qaatay.

Kulankii u dambeeyay ayay xalay afartan Safiiro la yeesheen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, iyagoo kala hadlay sidii dib wada hadalada loogu laaban lahaa.

Sidoo kale waxaa jiray xiriiro Safiiradan la sameeyeen dhanka dowladda Federaalka, iyagoo ugu baaqay in wada hadalada dib loogu laabto, xalna laga gaaro khilaafka taagan.

Rajada laga qabo in lagu laabto Teendhada Afisyooni ayaa aad u yar, dowladda federaalka ayaa dooneysa in markaan shirka loogu tago oo kaliya saxiix heshiiskii 17 September iyo isfahamkii Baydhabo lagu gaaray 16 Febraayo.

Baaqii Beesha Caalamka maalin ka hor ka soo baxay ayaa ahaa in dhinacyada ay dib ugu laabtaan Teendhada, isla markaana aanay aqbali doonin doorasho is barbar socda, mid qeybsan iyo muddo kordhin loo sameeyo dowladda xilligeedii dhamaaday.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here