Puntland waxay sheegtay in haddii dib loogu soo noqon waayo miiska wada hadalka ay aayaheeda ka tashan doonto,

Dowladda Goboledka Puntland ayaa sheegtay in aysan aqoonsanayn tallaabadii Baarlamaanka Soomaaliya muddada ugu kordhiyay hay’adaha federaalka.

Puntland waxay sheegtay in heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaanka kaliya ee heshiis lagu yahay si loo qabto doorashada federaalka.

Puntland waxay ugu baaqday saxiixayaashii heshiiskii 17 September, saamileyda siyaasadda iyo wakiilada Beesha Caalamka in miiska wada hadalka lagu soo noqdo si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed.

Puntland waxay sheegtay in haddii dib loogu soo noqon waayo miiska wada hadalka ay aayaheeda ka tashan doonto, iyadoo ka duuleysa shirweynihii Puntland ee 17 March 2020.

Puntland waxay xustay in ay soo dhaweyn doonto cid walba oo ka qeybqaadanaysa xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

Dowladda Puntland waxay sheegtay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doono cid walba oo isku dayda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here