Madaxweynaha Chad Idriss Déby ayaa si lama filaan ah ugu dhintey isku i ska hor imaad oo kula jirey mucaaradka waqooyiga wadanka dhamaadka usbuucan, ciidanka ayaa sidaa ka sheegey TV ga qaranka
Dhimashadiisu waxay timid waxyar kadib natiijadii doorashada ku meel gaarka ahayd oo saadaalisay inuu mar lixaad ku guuleysan doono xafiiska, 80% codadka.
Xukuumaddii iyo baarlamaankii waa la kala diray.
Gole militari ayaa xukumi doona 18-ka bilood ee soo socota.
Mr Déby wuxuu xukunka kula wareegay kacdoon hubeysan 1990.
Wuxuu aaday jiida hore ee usbuuca dhamaadkiisa si uu u booqdo ciidamada dagaalka kula jira jabhadaha fadhigoodu yahay xadka Libya.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com