Xildhibaan Mahad Salaad ”Farmaajo waa balaayo inoo hagoogan”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu Guddi Xildhibaano ah u sheegay in uu fashilmay heshiiskii 17-kii September ee ku qotomay qaabka doorashada ee dalka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sidoo kale sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu qorsheynayo in muddo kordhin uu u sameeyo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

“Gudi Xildhibaano ah oo u tagay Gudoomiye Mursal maanta intii uusan soo gelin hoolka shirarka Golaha Shacabka wuxuu u sheegay 1- Heshiiskii 17 September in uu fashilmay (2) Muddo kordhin inuu u samaynayo Barlamaanka iyo Farmaajo. (3) Ciidamada xarunta Golaha Shacabka la keenay in uu isagu dalbaday, lana soo badinayo.” Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Xildhibaanka ayaa ku doodaya in maanta cid kasta ay arki karto halka loo socdo, isagoona ku baaqay in fadhiga laga kaco.

“Waxaa xaqiiqo ah in maanta cid waliba u cadahay meesha loo socdo. Hurdada halaga kaco ayaan idin leeyahay Farmaajo waa balaayo inoo hagoogane.” Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Tiro Xildhibaan ah ayaa lagu eedeeyay inay is hortaag ku sameeyeen kulan ay maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahaayeen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada la eedeeyay ayaa dhankiisa Guddoonka Golaha Shacabka ku eedeeyay inuu damacsanaa ajande aan ahayn kan la iclaayay, oo ahaa in kulanka looga hadlayo xanuunka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here