Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo la hadlay BBC-da waxaa uu qiray in uu jiro wada-hadal hoose.

Warar aan ka helayno gobolka Gedo ayaa sheegaya, in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu heshiis hoose la galay dowladda Soomaaliya.

Wasiir Janan oo bilihii la soo dhaafay Ciidamo farabadna ku heystay duleedka degmada BeledXaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa la sheegay in uu wada-hadal la galay dowladda Soomaaliya oo u khilaaf xoogan kala dhaxeeyo.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo la hadlay BBC-da waxaa uu qiray in uu jiro wada-hadal hoose oo lamid ah kan Muqdisho ka socdo in uu u socdo, isaga iyo dowladda Soomaaliya balse uusan jirin wax heshiis ah oo uu la galay dowladda Soomaaliya.

Dadka falanqeeya Arrimaha siyaasadda ayaa waxaa ay sheegayaan in haddii Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu heshiis la galo dowladda Soomaaliya ay ka dhigan tahay in Madaxweynaha Jubbaland uu weyn doono gebi ahaan gacan ku heynta Gobolka Gedo

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa waxaa horay Magaalada Muqdisho ugu xiray dowladda Soomaaliya, hayeeshee la sheegay in uuu baxsaday, wallow uu isaga sheegay in uu si caadi ah uga duulay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here