Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in wasiir hore ee amniga maamulka Jubbaland & Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) iyo ciidamo uu wato ay soo gaareen Tuulada Najax oo hoostagta degmada Beledxaawo.
Janan ayaa lagu soo warramayaa inuu halkaasi kula kulmo doono taliyaha nabad sugida Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyo wasiir ka socda dowladda federaalka ah ee Somalia, si loo dhameystiro wada-hadallada maalmahan u socday labada dhinac.
Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada u shaaciyey in Janan & ciidamadiisa oo wata illaa 11 gaadiidka dagaalka ah ay haatan joogaan Tuulada Najax oo lagu ballamay inay isugu yimaadaan labada dhinac, gaar ahaan Janan iyo wafdiga ka socda dowladda dhexe.
Sidoo kale qorshaha ayaa ah inay wafdiga tegay Beledxaawo ay la wareegaan gaadiidka iyo ciidanka uu wato Wasiir Janan, taas oo qeyb ka aheyd wada-hadallada socda.
Sidoo kale wararka aan helnay ayaa intaasi kusii daraya in Janan loo soo qaadayo magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, si uu ula kulmo madaxda dalka.
Heshiiska Janan ayaa sii xoojinaya hardanka & dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland ee uu horkayaco Axmed Madoobe.
Si kastaba saaka ayey aheyd markii wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jubbaland xil kii looga qaaday wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo shalay shaaciyey inuu wada-hadal hoose kula jiro dowladda Soomaaliya.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com