Qaramada Midoobey ayaa ka hadashay wadahadaladii shalay ka dhacay xarunta Afisyooni iyadoo sheegtay in ay ka war hayso sida uu u dhacay shirkaas.
“Qaramada Midoobey waxa ay ka war haysaa kulanka maanta ee horudhaca u ahaa shirka la qorsheeyay inuu Muqdisho ka furmo oo qeyb ahaan ay goob joog ahaayeen dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka.” Waxaa sidaas lagu yiri war saxaafadeed kooban oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ugu baaqday madaxda Soomaalida in ay yeeshaan Kulamo dheeraad ah oo lagu xalinayo qilaafyada taagan iyo sidii loo daah-furi lahaa shirka madaxda oo lagu dhammeystirayo fulinta heshiiskii 17-ka Sebteembar.
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa diiday ka qeyb galka shirka ka furmaya Afisyooni, iyagoo shuruudo ku xiray ka qeyb galkooda, wallow ay socdaan dadaalo Beesha Caalamka ay wado.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com