Gartii Koroow Muuse Moosoow.Koroow Muuse iyo wixii Shalay aan ku soo arkay Taaladda Km Zero, Mogadishu.
Koroow Muuse Moosoow, ayaa Magaalada ka tagay isaga oo Calnkii Gacanta ku sito waxa uuna isagu yeeray Dhamaan Duurjoogtii.( F.S: 1aad)
waxa uu ku yiri: war aan Calanka Ceeymino, Dalkii Dad ma joogo Meeytaan uga soo tagay.
Waxaana u sabab ah:
- Qurba joogta wax maamusho oo war moog ah, warna ka diiday Qurba joogta kale ee Dadnimadu ku jirto welina Dalka wanaagiisa jecel, Culumo, Caamo iyo Qorax joogta, intaba talo waa ka diideen.
Qabqablayaasha Qurbaha “Diaspora war lords” wixii la soo maray war uma hayaan, waxna ma maqlaan, Xattaa Koroow Muuse Moosoow, oo Magaalada uga soo horeeyay, wax ma weeydiiyaan, Sababtuna waa Qurba joogta wax Maamusho ee Qalfoofta Noqotay. ( F.S: 2aad) iyo.
- Beesha Caalamka, Cadawga deriskaa iyo Carabta, oo isku Caraadinayo Caalayaal aan Calanka rabin.( F.S: 3aad)
Dhibanayaashu waa:
- Shacabkii oo noqday Cudur iyo Colaad citintood (F.S: 4aad).
- Ciidamadii oo Celcelinaayo Caruur iyo Caamo la ciqaabay, Cabaadkoodana ciyaar mooday (F.S: 5aad),
- Haweenkii oo Cadceeda ku umulayo Caawinaad la’aan ( F.S: 6aad).
- Culumadda ah Caarifiintii Hore oo Casiiska Baryayo ( F.S: 7aad).
- Ciyaal Cunta Doon ah oo iska Ciyaarayo, Calan jeceylkana Ceeb mooday. ( F.S 8aad)
Duur Joogtii ayaa Go’aan satay in Calanka Duurka lagu hayo oo aan Magaalo loo Celin inta laga helayo Dad Somaliya oo Damiir leh, iyo in Magaalada loo diro ergo Duur joog ah oo uu hor kacayo Ugaas Dawac.
FG: Qoraalkaan waxaan soo xasuustay Shalay markaan arkay Calankii Saarnaa Taalada Km. Zero ee Magaalada Muqdishu sida uu noqday.
Taaladaa oo ku taal Bartamaha Magaalada Halka ey iska Gooyaan Waddada Xaaji Faarax, Waddada Ex FIAT ee aado Xarunta NISA ,Waddada aado Dhinaca Lido iyo Waddada Hor marto Hotel Juba. waana Isgooyska Maalin kasta Madaxdu ey marto.
Adiguna Maanta soo Arag Taaladda Km Zero ( F.S: 9 & 10 aad). kadibna is Barbar dhig Calanku siduu ahaa Maalintii Halkaa la saaraay iyo Shalay Galab Markii aan soo arkay iyada oo Miraaq yar oo ka soo haray Calankii uu ka lulanayo. ( F.S: 11 & 12aad).
Codsi: Waxaan ka Codsanaa Dowladda Hoose oo iyada Masuulka ka ah Taalooyinka in ey Calankaa Mid Cusub ku bedesho ama ey Citinta Calanka meesha ka siibto.
Mahadsanidiin.
Koroow Muuse Moosoow Gar ma leeyahay?.
Qore : Yahya Amir