Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Luke Shaw ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhawyahay in lagu abaalmariyo heshiis cusub kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.
Xiddigii hore ee kooxda Southampton ayaa la filayay in uu ku dhibaatoodo in uu kulamo u ciyaaro kooxda xilli ciyaareedkan kadib markii uu xiddiga Alex Telles kooxda ku soo biiray suuqii xagaaga.
Laakiin xiddiga reer England Luke Shaw ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib xilli ciyaareedkan isaga oo haatan ah xiddiga ugu fiican xiddigaha ka ciyaara booskiisa.
Daafaca reer England Luke Shaw ayaa dhaliyay hal gool sidoo kale caawiye ka noqday 5 kale 25 kulan oo uu ciyaaray horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Man United wadahadalo la furi doonto si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga reer England ee 25 jirka ah.
Luke Shaw ayaa dhici doona xagaaga 2022-23 waxana ay kooxda Man United doonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga si uu kooxda u sii joogo wakhti dheer.