Madaxweynaha Puntland ‘‘Meeshii aan Amni u maleynaynay baa xalay nalagu soo weeraray‘‘

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdillahi Deni oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in aanay war u heyn shirka berito la sheegay inuu ka furmayo xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Mr. Saciid Deni ayaa ku adkeystay in khilaafka doorashada ka taagan ka hor laga hadlo arinta ciidamada oo uu sheegay inay si gaara u isticmaalayaan madaxda Dawladda Federaalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu Madaxda DF Soomaaliya ku eedeeyay in xalay illaa saaka ay ciidamo dheeraada soo dhoobeen aagga uu ku yaalo garoonka Aden Cadde oo ay iyagu dagan yihiin.

“Waxaan halkaan nimid kadib markii aan marti qaad ka helnay Beesha Caalamka gaar ahaan James Swan iyo Yamamoto oo aad baryahaan ugu howshanaa sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa, kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka, Muddadii aan joognay waxaan wadahal la yeelanay Bbeesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Musharraxiinta.” Ayuu yiri Saciid Deni Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale wuxuu yiri, “Muddadii aan joognay dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay, ma jirin waxayna u muuqanaysay inaysan diyaar u ahayn imaansheheena.”

Madaxweynaha Puntland Sacii Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Shirka berri furmayo ilaa hadda wax arsmi oo aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto, balse waxaa taas ka sii daran, maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Amisom tiri annagaa amnigeeda sugeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuumtay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da.

Si kastaba, Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horay cabasho xooggan uga muujiyay ciidamada dowladda gaar ahaan Haramcad iyo Gorgor, kuwaasi oo ku tilmaamay in ay khatar dhanka amniga ah u horseedeen dalka.

Damqo Media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here