Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Lafta-gareen oo maalmihii dambe ku sugnaa dalka Turkiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro,Xildhibaano, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa caasimadda u yimid ka qeyb galka shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo kaas oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni oo looga hadlayo qilaafka ka taagan doorashada dalka.
Damqo Media